halkay ku dambaysay ushii nabi muuse
nabi muuse wuxuu ahaa mid kamida anbiyada uu ilaahay usoo diray ree binu israaiil wuxuuna la imid mucjiso cad sida nabiyadii ka horeeyay ula imaadeen mucjisooyin cad si loo rumeeyo nabinimadooda waxaana laga soo diray ilaahay xagiisa si uu dadka ugu yeedho ilaahay xagiisa waxaana kamid ahaa mucjisooyinka uu la imid nabi muuse CS ushii uu ku raaci jiray adhiga intaan lasoo saarin kahor sida uu ilaahay ku sheegay quraankiisa mucjisooyinka gaarka ah ee ushaasi lahayd wuxuuna u adeegsan jiray sida inuu ku raaco adhiga wuxuuna idhi alle sareeye
وَمَا تِلْكَ بِيَمِينِكَ يَـٰمُوسَ
قَالَ هِىَ عَصَاىَ أَتَوَكَّؤُا۟ عَلَيْهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِى وَلِىَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخْرَىٰ
قَالَ أَلْقِهَا يَـٰمُوسَىٰ
فَأَلْقَىٰهَا فَإِذَا هِىَ حَيَّةٌ تَسْعَىٰ
قَالَ خُذْهَا وَلَا تَخَفْ ۖ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا ٱلْأُولَىٰ
nabi muuse waxa uu aayadahan qayb kamida ku sheegay inuu ushaan cuskan jiray adhigana uu ku raaci jiray iyo waxyaabo farabadan oo kale ushaas uu ilaahay ka yeelay mucjiso oo markii uu tuuro ay isku badali jirtay abeeso waxayna ahayd mucjisadaasi mucjisadii ugu waynayd ee uu ilaahay usoo dhiibay anbiyada marka laga reebo mucjisadii uu la yimi nabi muxamed SCW mucjisadaas oo ahayd quraanka kariimka
sidoo kale nabi muuse CS wuxuu u isticmaali jiray ushaas inuu isaga difaaco bahalada
wuxuu kusoo goosan jiray midhaha geedaha
sidoo kale waxyaabaha mucjisada ah ey lahayd ushaasi waxaa kamid aha hadii uu rabo inuu ceel ka cabo biyo ceelkaasina uuna lahayn waadaan wuxuu usha galin jiray ceelka wayna dheeran jirtay xaga horana waxay noqon jirtay sidii waadaanta oo kale waanu kusoo darsan jiray waanu ku cabi jiray
marka uu marayo saxaro aan biyo kasoo dhaween waxa uu ushiisa ku dhufan jiray dhulka waxaana kasoo burqan jiray biyo marka uu ka cabana wuu ka qaadi jiray ushiisa dhulka waxaanay ku noqon jirtay saxaraheedii/sideedii
sidoo kale hadii ay cadceedu kulushahay meeshana uu ka dhawayn hadh waxa uu ushiisa ka taagi jiray dhulka wayna balaadhan jirtay waanu hadhsan jiray
sidoo kale waxa kamid ahaa mucjisooyinka ushaasi lahayd in nabi muuse CS adhiga uu raaci jiray marka ay dugaag soo weeraraan ay ushaasi la dagaalami jirtay
waxaa kaloo kamida in habeenkii marka ay mugdi noqoto ay kor ka ifi jirtay ooy nal/laydh u noqon jirtay
waxaa kaloo kamida in markii ay ree bani israaiil soo gaadhen bada halka dambana ay ka jireen ciidankii fircoon lagu idhi bada ku dhufo ushaada kadibna ay 12 wado ka furmeen badii kadib markii ree bani israaiil ay dhaafeena lagu halaagay fircoon iyo ciidankiisii
waxaasoo dhana waxay ku dhici jireen awoodaha ilaahay hadaba halkay taalaa ushii nabi muuse
Ruwaaya waxa jirta odhanaysa waxay la gubatay dibigii dahabka ka samaysnaa ee saamiri uu usameeyay ree bani israaiil
Ruwaaya kale oo waxa jirta odhanaysa in ushaasi soo bixi doonto yomul qiyaamaha iyadoo mucjisooyin kale xambaarsan
Ruwaayadka qaar waxay sheegayaan in usha nabi muuse CS ku duugantahay kaniisad ku taala ROMA oo mahdiigu markii uu furto kaniisadaas uu kasoo baxin doono ushii nabi muuse CS iyo kitaabkii bableka ahaa ee originalka ahaa ee nabi ciise la siiyay
laakin ilaahay ayaa inaga og meesha ay taalo