HEESUHU MA XAARAANBAA
horta intaynaan u galin waxbaa xaaraana iyo waxba xalaala halmar aan isla fahano erayga (fan)
waamaxay fan?
fan waa waxkasta oo farshaxana oo afshaxana oo umad meel dagtaa ku dhisantahay umad walba oo dunidan soo martana fan waa lahaayeen oo waa heesi jireen waa gabyi jireen oo wax waa tuman jireen fanku wuu ka balaadhanyahay hees iyo music markaynu intaa kaga imaano fan
haan usoo dhaadhacno heesaha iyo muusiga labadanaan hadana sii kala qaadaynaa
1.heesaha sideedaba heesta iyo gabayga iyo maansadu waxay ka mid yihiin afka afka marka hore wixii ku xuni wuu xunyahay wixii ku sana wuu sanyahay heesaha qaar banaan baa jira kuwaasoo ah
geelaaga inaad hees ku caraabiso way banaantahay
wakhtigii nabiga scw geela waa loo heesi jiray saxaabigii awrta hogaaminayay dumarku fuushan yihiin geelu marka la caraabinayo heeso gaara oo hadaad ugu luuqayso uu toobiyaha qabsadaa jira deeto saxaabigaasi intuu nabiga scw awr u dhiibay dumar saaranyihiin ayuu nin cod fiican buu ahaayo hees ugu luuqeeyay deeto geeliiba tooreeyay oo si fiican isu daba galay markaasuu nabigu scw ku yidhi war dumarka dhawr
haday heestu tahay tii xoolaha lagu waraabsan jiray waa banaantahay
haday tahay tii maqasha lagu kaxayn jiray waa banaantahay
haday tahay tii caanaha lagu lulan jiray waa banaantahay
haday tahay tii ilmaha yar loogu heesi jiray waa banaantahay
markaa markaynu hees nidhaahno ama gabay ama maanso wuxuu ka hadlayay ku xidhantahay haday wax xun ka waramayso dee inaanay banaanayn adba waad garanaysaa waayo wax xun baad ku hadlaysaa markaa afku waa af hadaba waxbaa heesta dheer oo inta hees la dhaho ku daba dhuumanaya oon dhaqanka soomaaliyeedba ku jirin
2.music muusigu waa wax inooga imid dad kale oo dhaqanka soomaaliyeedba kuma jiro safaaradii ugu horaysay ee wax tumi jirtay ingiriiskaa watay iyo hindidii la socotay cuudkii iyo kamankii iyo intii la garaaci jirayna carab baa la timi waxanoo dhan waa wax 1940_1950yadii noo imid oo inti ka horaysay soomaali hees iyo gabay iyo maanso iyo buraanburba waa taqaanay oo waa xaaraan iyo waa xalaal cidna kama hadli jirine haduu qofku wax xun ka gabyoo reero isku dirayana waxaa la odhan jiray war waa wax xun haduu wax fiican ka gabyayona waxaa la odhan jiray waa wax fiican ee ma jirin wax music la dhaho
ugu dambayn heesuhu ma xaaraanbaa haa heesaha aynu imika dhagaysano waa xaaraan oo way cadahay oo waakii ilaahay ku lahaa aayad quraana
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشْتَرِى لَهْوَ ٱلْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًا
dadka waxaa kamida qaar iibsanaya sheekada mideeda lagu daaho
yacni maaweelo wakhtiga lagu lumiyo lagu baashaalo sheekadaasna culimadii salafku waxay ku fasireen heesaha ilaahay ha inaga madoobeeyo aamiin